Uncategorized

Saraakiil iyo Ururka Haweenka Shabeelaha hoose oo ku baaqay in wax laga qabto kufsiga loo geysanayo Haweenka.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya Degaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Sheegaya in kooxo burcad ah ay dhac iyo kufsi u geystaan haweenka isticmaala wadada isku xirta Afgooye iyo laanta buure ee gobalka shabeelaha hoose.

Waxaa la sheegay in marka ay kooxo kufsiga geytaan ay goobta isaga baxsadaan,iyadoona haatan cabsi badan ay soo wajahday haweenka ku safra wadooyinka soo gala gobalka Shabeelaha hoose.

Gaashaanle Dhexe Saciid Xuseen Axmed oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu ku baaqay in Dagaalka Shabaab ay Dowladda kula jirto in laga hormariyo Dagaal ka dhan Ciidanka kufsiga Geysanaya.

Dhanka kale Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobalka Shabeelaha Hoose Maryan Mukhtaar Maxamed oo la hadashay idaacadda kulmiye ayaa waxaa ay Sheegteen in Todobaadkan gudihiisa 13 haween ah lagu kufsaday degaanada sabiib iyo caanoole oo kawada tirsan gobalka Shabeelaha hoose.

Sidoo kale Waxaa ay Sheegtay in dhibaatada ugu badan haweenka loogu geysto wadada isku xirta Afgooye iyo Walaweyne ee gobalka Shabeelaha hoose.

Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay ugu baaqday in wax laga qabto dhaca iyo kufsiga loo geysanayo haweenka iyagu isticmaala wadooyinka soo gala Gobalka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gobalka Shabeelaha hoose ka taagnaa dhac  iyo kufsi loo geysto haweenka isticmaala wadada isku xirta Afgooye iyo Walaweyne ee gobalka Shabeelaha hoose,inkastoo Maamulka Gobalka uu sheegay in Arimahasi wax badan laga qaban Doono.