Kismaayo-KNN-Ilo Wareedyo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kulan u dhexeeyay Saraakiil ka socotay Sirdoonka Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay Arrimaha la xiriira doorashada Maamulka Jubbaland, sida ay wax u wadaan madaxda haatan talada Jubbaland haya.
Kulanka oo Madaxweynaha Jubbaland ay ku wehlinayeen Wasiirada Amniga iyo gudaha ayaa Saraakiisha Itoobiya waxaa ay hordhigeen labo qodob oo ku saabsan arimaha doorashada maamulka Jubbaland, waxaana qodobada ka mid ah
- In markale dib loo furo waqtiga isdiiwangelinta musharixiinta,isla markaana fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka.
- In la qaado xayiraadii Golaha Wasiirada Jubbaland saareen Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka inay tagaan Kismaayo.
Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Jubbaland oo ku sugan Kismaayo ayaa KNN u sheegay in Saraakiishii ka socotay Sirdoonka Itoobiya ay dib ugu soo laabteen Magalada Muqdisho oo markii hore ay ka tageen,waxaana wadahadalladaas ilaa iyo hadda aan wax war ah kasoo saarin Madaxtooyada Jubbaland.
Doorashada Jubbaland ayaa haatan waxaa ay ku bilaabanaysaa jahwareer siyaasadeed, iyadoona laga cabsi qabo in dhibato ay ka dhacaan Magaaladaasi.