Somali News

Saraakiil ka tirsan ciidamada diafaca Kenya oo booqasho aan la shaacin ku tagay Jubbada Hoose

Muqdisho-KNN-Taliye sare oo ka tirsan ciidamada difaaca  Kenya oo lagu magacaabo  Walter Koipaton, ayaa booqasho ku tegay xirooyin ciidan oo ay ku suganyihiin,ciidamada Kenya ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ,kuwaasi oo ku yaalla  gobolka Jubbada Hoose.

Walter Koipaton oo haatan ah Taliye ka tirsan Ciidanka Kenya oo ay wehliyaan saraakiil kale oo ka tirsan Kenya , ayaa kormeeray, xirooyin  ciidan oo ku yaalla magaalooyinka  Bilis-qooqaani iyo Dhoobley,  isagoo indha indheeyay shaqada ka socota xirooyinkaas.

Ma cadda ujeedka dhabta ah ee ka dambeeya socdaalkan aan lasii shaacin.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Walter Koipaton ayaa daah-furay mashruuc lagu keydinayo biyaha roobka, oo laga dhex-hirgeliyey gudaha saldhig ay ciidanku ku leeyihiin magaaladda Buur-gaabo isla gobolkaas.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada Kenya ee ku sugan xerooyinka uu booqday, isagoona kala hadlay sidii loo kordhin lahaa, dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, sidaasi waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamadda difaaca Kenya.

“Wuxuu xaqiijiyey doorka ciidamaddu ku leeyihiin nabad kusoo dabaallidda Somalia, taas oo qeyb kamid ah la gaarey,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska ciidamada Kenya.