Somali News

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga oo gaaray Baraawe

Wafdi Saraakiil ah uu hogaamineyo Taliyaha Qeybta 60aad ee ciidamada xoogga dalka Jenaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa Gaarey Degmada Baraawe ee Caasimada maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha iyo Wafdigiisa  ayaa Waxaa garoonka  ku soodhaweeyey Saraakiisha Ciidamada  Xoogga Dalka , Maamulka Degmada iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha ayaa Kullan gaar waxaa uu la qaatey Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ee Ku sugan Baraawe si loo Dardar geliyo Ladagaalanka Al-shabab.

Saraakiishan ayaana waxa ay ciidamada xoogga ee ku sugan halkaas kula dardaarmeen iney labo jibaaraan dagaalka ay kula jiraan dagaalamayaasha AL-shabaab iyadoo dhawaan taliyaha ciidamada xoogga oo qeyb ka ahaa howlgalo ka dhacay gobolka shabeellaha dhexe kuwaas oo ay sameeyeen ciidamda ay ku dileen in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsan AL-shabaab.