Somali News

Saraakiil ka tirsan dowladda oo gaaray Balambal

Dhuusamareeb-KNN-Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Galgaduud ayaa ku guulaystay in ay ciidmo kala dhex dhigaan beelo walaalo ah oo maalmihii lasoo dhaafay dad isga dilay magaalooyinka Balambal iyo Gurceel oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ka tirsan dowladda ayaa gaaray degaannada Oodaale iyo Xersi-Lugeey oo hoos taga degmada Balambal ee gobolka Galgaduud.

Waxayna halkaas kulamo kula qaateen saraakiishu odayaasha iyo wax garadka kasoo kala jeeda dbeelaha ay dirirtu u dhaxeyso, waxaana sida la sheegay la isku racay in aan la ogolaa Karin dagaal beeleed dambe oo ka dhaca halkaas, iyadoo lagu balamay in la iskugu yimaado gogol nabadeed.

Odayaasha iyo waxgaradka degaannadaas ayaa soo dhaweeyay ciidamada iyo saraakiisha hoggaamineysa, waxanay uga mahadceliyeen doorkooda dhex dhexaadineed, iyagoo dalbaday odayaashu in ilaa inta xal waara laga gaarayo lakala dhex dhigo ciidamo ilaa liya nabad galiyada deegaanka.