Somali News

Saraakiil ka tirsan Soomaaliland oo lagu dilay Gobalka Sool.

Muqdisho-KNN-Koox maleeshiyaad ah  ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen deegaanka Gobab-maxan oo hoostimaada degmada Yagoori ee gobolka Sool.

Weerarka ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay taliyaal ka tirsana ciidamada Booliiska iyo Asluubta ee Somaliland.

Saraakiisha la dilay ayaa la sheegay in ay ka soo carareen gobolka Sanaag kadib markii lagu eedeeyay dilka nin ganacsade ah oo lagu dhex sumeeyay xabsiga degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu sheegay in halkaasi lagu dilay taliyihii xabsiga degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag Gaashaanle Cabdullaahi Axmed Tallan iyo taliye xigeenkii saldhiga Booliiska degmada gar-adag labo Xiddigle Nuur Awcali Nuux.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa hay’adaha  amniga Somaliland ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka saraakiisha ciidanka Soomaaliland.