Somali News

Saraakiil katirsan Alshabaab oo ku geeriyooday qarax gaari ay la socdeen .

Muqdisho-KNN– Faah faahino dheeraad ah ayaa ka kasoo baxaya qarax miino oo haleelay gaari ay la socdeen Kooxda Alshabaab oo marayay qeybo kamid ah Gobolka Mudug.

Gaariga Al-Shabaab la qaraxay ayaa la sheegay inuu marayey duleedka deegaanka Qeycad, iyadoona uu u sii jeeday deegaanka Bacaadweyn ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Inta laxaqiijiyay qaraxa waxaa ku geeriyooday 10 dagaalame oo katirsanaa Alshabaab .

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mi culus oo alshabaab ay doonayeen inay ku soo weeraaran goobo badan oo katirsan Gobolka Mudug .