Somali News

Saraakiil katirsan boqortooyada Sucuudiga oo xilalkii lagaqaaday

Saraakiil ka tirsan dowladda Sucuudiga ayaa xilka laga qaaday, waxaana ka mid ah labo xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyada.

Wareegto kasoo baxday boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hogaaminayo ee howlgallada ka wado Yemen.

Waxaa sidoo kale shaqada laga eryay wiilka Amiir Fahad, Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka barasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf.

Waxay saraakiishan wajahayaan baaritaan ku aadan eedeymo ku saabsan wax isdaba marin heshiis maaliyadeed ah, sida ku xusan wareegtada kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga.

Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan wuxuu garwadeen ka ahaa olole ka dhan ah musuq maasuqa ka dhaca dowladda.