Muqdisho-KNN-Xerada Bali-doogle oo ah xerada ugu weyn ee ciidamada danab ay deganyihiin waxaa tagay wafdi ay dowladda soomaaliya u dirtay, kuwaasi oo qorshahoodu uu yahay inay baaris ku sameeyaan saraakiil musuq maasuq iyo dayac shaqo sameeyay.
Wafdiga Bali-doogle gaaray ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada.
Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo la hadlay saraakiil iyo ciidan ka tirsan danab ayaa u sheegay in saaraakiisha la eedeeyay lagu xukumi doono isla xerada Bali-doogle.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashanle Cabdullahi Buule Kameey ayaa sheegay inaanan looga hari doonin saraakiishii sameeyay musuq maasuqa, islamarkaana la xukumi doono.
Guddoomiayaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa kula dardaarmay ciidamada danab ee Bali-doogle ku sugan inayn ka fogaadaan wax waliba ee dhibi kara sharafka ciidanka.
Guddigaan baarista ku sameynaya saraakiishii hore ee maamulayay ciidamada danab ayaa la sheegay in dhowaan lagu dhawaaqi doono baarisdtooda waxyaabaha kasoo baxay, kaddib markii lagu eedeeyay falal isdaba marin ah.


