Somali News

Saraakiil Shabaab ah oo lagu dilay Jubada Hoose

Muqdisho-KNN-Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ciidanka, ayaa waxa ay sheegeen in ay howgallo ka sameeyeen deeganada Jubaland  oo ay ku dileen saraakiil iyo  dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.

Abaanduulaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Buule oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in howlgalo ay ciidamadu ay ka fuliyeen degaanada Araare iyo Muuse xaaji oo ka tirsan Jubada hoose lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay 4 sarkaal iyo 7 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgallo ay xalay ciidamada xoogga,  ay ka fuliyeen degaanno hoostaga gobolka jubbada hoose

Sidoo kale maalinimadii shalay aheed ciidamada Danab iyo kuwo Mareykan ah, ayaa howgal waxa ay ka fuliyeen deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha dhexe.