Somali News

Saraakiisha afgembisay Mayanmaar oo loogu hanjabay cunaqabateyn

Naypyitaw-KNN-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku hanjabay inuu cunaqabatayn xoog leh saari doono saraakiisha ciidamada afgambiga ku qabsaday talada wadanka Mayanmaar.

War kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Biden ayaa lagu sheegay in loo soo jeedinayo madaxda ciidamada qabsaday dalka Mayanmaar ay sii daayaan madaxda dawlada oo ay ku jirto haweeneyda la yiraahdo Aansaan suu kii.

Ururka Midawga Yurub iyo Ingiriiska ayaa sidaas oo kale cunaqabatayn ugu hanjabay saraakiisha afgambiga ku qabsaday dalka Mayanmaar oo sidoo kalena loo yaqaan Baarma.