Somali News

Saraakiisha amaanka Jubbaland oo ka hadlay u diyaar garowga bisha Ramadaan

Kismaayo-KNN-Iyadoo magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya laga dareemayo u diyaar garoowga Bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa mas’uuliyiinta amaanka maamulka jubbaland waxa ay soo saareen digniin ku saabsan bisha Ramadaan.

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur oo ay wahliyeen Taliyaha Ciidamada Jubbaland Gen. Aaadan Maxamuud Ibraahim, Taliyaha Ciidanka Booliska magaalada Kismaayo maxamed Guuleed Xassan iyo Saraakiil kale ayaa maanta kulan kuyeeshay saldhiga dhexe magaalada Kismaayo.

Kulanka ay mas’uuliyiintaasi maanta yeesheen ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga hortago in bisha Ramadaan ay falal amni daro ka dhacaan magaalada iyo in laga hor tago dadka masoonayaasha ah oo leh maqaayadaha cuntada lagu kariyo inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Markii la soo gabangabeeyay shirkaas ay yeesheen mas’uuliyiinta amniga ee maagaalada kismaayo ayaa wasiirka amniga Jubbaland waxa uu faray Taliyaasha Ciidamada in si weyn loo adkeeyo amaanka guud ee deegaanada maamulkaasi sigaara magaalada Kismaayo iyo deegaanada hoostaga.

Wasiirka ayaa hey’adaha amaanka sigaar ah ugala dar daarmay in aysan ogolaan in dad masoomayaal ah ay ku sugnaadaan deeganada maamulkaas isagoo amar kubixiyay in Ciidamadu ay soo qabtaan qofkii masoome ah oo bulshada ku dhex jira, isagoo ku goodiyay in maxkamadd lala tiigsa doono.