Bosaaso-KNN-Sida ay shaaciyeen Saraakiisha Ammaanka Puntland , Ciidanka Amniga ee Maamulka Puntland ayaa muddooyinkan dambe hawlgallo ballaaran oo dhanka Amaanka ah waxaa ay ka wadeen waddooyinka isku xira deegaanada Balikhadar,Majiyahan,Maraje,
waxaa ay saraakiisha sheegeen in ay ku guulaysteen in waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala ay ka saareen miinooyin gaaraya ilaa afar oo ay sheegeen in AL-Shabaab ku doonayeen in ay ku qarxiyaan Ciidanka Puntland.
waxaa ay intaa ku dareen in Ciidanka Amaanka Puntland ay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga G/Bari.
deegaanada Gobolka Bari iyo Magaalada Boosaaso ee gobolkaasi ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo ay geystaan Daacish iyo Al-shabaab iyo sidoo kale dagaal toos ah.