Somali News

Saraakiisha Ciidamada Xooga oo sheegay in ay bur buriyeen Saldhigyo Al-shabaab ay ku diyaarin jireen waxyaabaha Qarxa

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa waxaa ay howlgalo ka bilaabeen Degaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose oo qeybo ka mid ah ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Maxamuud Guutaale oo la hadlay Idaacadda  Ciidamada Qalabka sida u sheegay in howlgalkaan uu bilawday islamarkaasine la gaaray xiligii Al-shabaab laga saari lahaa guud ahaan gobolada dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Taliyaha  in ciidamada xoogga dalka ay degaano hoose taga gobalka  Shabellaha Hose lagu bur buriyay saldhigyo Al-shabaab ay ku diyaari jireen walxaha qaraxa isagoona xusay in gacanta lagu haayo dadkii diyaarinayay walxaha qaraxa.

Bilihii u dambeeyay, Ciidamada federaalka oo kaashanaya ciidamo Maraykan ah waxay labanlaabeen howlgalada iyo duqaymaha cirka ee lala beegsanayo saldhigyadda iyo Madaxda ururka Alshabaab ee koofurta Soomaaliya, iyadoo ururkana laga dilay saraakiil sarsare.