Uncategorized

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Ee Gobolka Gedo oo ka hadlay Shabaabkii soo galay Gobolkaas

Gedo–KNN– Iyadoo ay soo baxayeen Warar sheegaya in Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda iyo Ciidamo badan oo ka tirsan Al-shabaab ay soo gaareen Qeybo ka mida Gobolka Gedo ayaa Waxaa Warkaasi beeniyay Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo.

Col. Axmed Aadan Rufle oo ka mida Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Warkaas uu yahay Been iyo waxba kama jiraan islamarkaana aysan jirin Ciidamo badan oo ka tirsan Shabaab oo soo galay soonaha Degaanka Ceel-cadde.

“Warka ay Saxaafaddu baahisay waa been iyo Borabogaando Shabaab ma haystaan Saddex Kun oo Askari,waxaa Koox yar oo Toban Toban u socda oo ka dhuubanaya Ciidamada Dowladda iyo Saaxiibadood”ayuu yiri Col. Rufle.

Shalay ayaa Dadka ku nool Degaanada Ceel-cadde iyo Tuulo Burwaaqo ee Gobolka Gedo waxaa ay sheegeen in Hogaamiyaha Al-shabaab oo wata Ciidamo badan oo ka soo baxay Gobolka Jubbada Dhexe uu soo gaaray Qeybo ka mida Gobolka Gedo Inkastoo Saraakiisha Ciidamada Xoogga Ee Gobolkaasi ay Warkaasi beeniyeen.