Muqdisho-KNN-Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Kuntu waareey ee Gobolka shabellaha hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka ayaa sheegay in howlgalka ay si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo mareynkan ah ayna ku dileen 12 Dagaalame iyo Labo sarkaal oo Al-shabaab ah.
Sidoo kale ciidamada waxa ay howlgalka ku dileen wiil uu dhalay hHogaamiyaha Al-shabaab.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa xusay magacyada Xubnaha lagu dilay howlgalka kuwaasi oo magacyadooda ay ku sheegeen Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur(Faruur)
ragga la dilay waxaa la socday wiil uu dhalay hogaamiyaha Al-shabaab Axmed diiriye Abuu Cubeyda kaasi oo Magaciisa ay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay ku sheegeen Xasan Ahmed Diiriye Abuu cubeyda kaasi oo ciidamada ay ku dileen Howlgalka.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay soo gudbin doonaan xilalka ay hayeen ragaan ka tirsan Al-shabaab.
Xigasho-SNA Radio.