Uncategorized

Saraakiisha ciidanka xoogga oo sheegay in ay dhawaan la wareegi doonaan Ceelbuur

Janaraal Maxamed Caddow Cali (Sanka)  Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga, oo la hadlayay ciidamo ka tirsan miliatariga Soomaaliya oo tababar looga soo xiray Xerada tababarka Har-qaboobe oo ku taala degmada Guriceel ee gobolka gobolka Galgaduud.

Taliyaha  ayaa shaaca ka qaadday in ciidamada xoogga ay qaadi doonaan howlgal qorsheysan, kaasi oo la doonayo in Al-shabaab looga saari doono degmada Ceelbuur oo muddo badan ay gacanta ku hayaan kooxdaasi.

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay in ay diyaariyeen ciidankii Al-Shabaab ka saari lahaa deegaanada ay ku sugan yihiin eek a tirsan gobolka Galgaduud, isagoona sheegay in dhawaan ciidanka loo dhameystiri doono xuquuqdooda,islamarkaana ay diyaar u yihiin in howlgalkooda ugu horeeya ay ku qaadaan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Shalay ayay aheyd markii wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu sheegay in dhawaan deegaanada Galmudug ay ka bilaaban doonaan howlgal qorsheysan oo Al-Shabaab looga saari doono deegaanada ay kaga sugan yihiin deegaanada Galmudug.

Al-shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano badan oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug.