Somali News

Saraakiisha Ciidanka xoogga oo sheegay in xubno Al-Shabaab ah ay ku dileen Jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa ay howlgal miino baaris ah ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay howlgalada ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Koban,Bangeeni  gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in inta howlgalka ay ku jireen ciidamada ay la kulmeen dagaal kaga yimid Al-Shabaab, iyadoona khasaari uu dhashay dagaalkaasi.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 4 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro intaasi ka badana lagu dhaawacay.

Ma jiraan faahfaahin intaasi ka dheer oo laga helay howlgalka ay ciidamada ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.