Uncategorized

Saraakiisha CXG ee G.Gedo oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Duleed Baardheere.

Baardheere-KNN-Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Gobalka Gedo ayaa Guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee Gobalkaasi oo ay ku dagaalameen Ciidamada Xooga iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Gobalka Gedo waxay sheegeen in dagaal Saakay ka dhaacy duleed degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ay ku dileen ku dhawaad 5 dagaalame kuna dhaawaceen sidoo kale tiro intaasi la`eg oo ka tirsan Al-shabaab, waxaa kaloo saraakiisha ay tilmaameyn ay kala wareegeen gacan ku haynta deegaano dhowr ah oo hoosyimaada degmada Baardheere.

Saraakiisha dhankooda waxay sheegeegeen in uu ka geeriyooday hal Askari, isla markaana khasaaraha ugu badan ay gaarsiiyeen Dagaalamayaasha Al-shabaab,sidoo kale Saraakiisha ay sheegay in ay la wareegeen SALDHIG Al-shabaab ay ka soo maleegi jireen weerarda oo ay ugu tageen Hub, iyo Waxyaabaha Qarxa.

Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Gobalka Gedo oo la hadlay KNN waxay tilmaameen in dagaalka uu ka dambeeyay ka dib markii deegaanada dhaca duleedka Degmada Baardheer ay maalmihii dambe Al-shabaab ay ka soo tuurayeen Hoobiyaal, iyo weeraro ay ka soo abaabulayeen, taasina ay dhalisay in saaki halkaasi ay ciidamada Xooga ay weerar ku qaadaan.

Ciidamada Xooga ayaa howgalo ka sameenaya deegaanadii ay la wareegeen ee horay ay ugu sugnaayeen Al-shabaab.