Somali News

Saraakiisha Difaaca Soomaaliya oo sheegay iney dilayn Dagaalame Ajnabi ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Ka dib howlgalo qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen degaanada jubboyinka waxa ay ku guuleesteen xureeynta buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.

Buundada Araare ee G/Jubbada Hoose ayaa Nabadiidka Al-shabaab waxa ay halkaasi u eheed goob Nabadiidka Al-shabaab ay ku qaadaan lacagaha baada ah ee kooxdu ka qaado shacab isticmaalo buundada Araare.

Taliyaha ururka 58Aad ee guutada  11Aad ee ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali ayaa SONNA u sheegay in  nabadiidka Al-shabaab laga xureeyay buundada Araare ee G/Jubbada Hoose oo u eheed goob ay ku qaadaan lacagaha baada ah.

G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali waxa uu xaqiijhiyay in dagaalka nabadiidka Al-shabaab looga dilay 7 Maleyshiyaad ah isla markaasine ay ciidamadu ka furteen hubkii ay wadteen Maleyshiyaadkaasi .

Mudadii uu socday ayaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalo qorsheysan ku dilay Maleyshiyaad iyo horjooge sare oo ka mid ah Ajaanibta ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa heestay dhalashada wadanka Tanzania,isagoona ka mid ahaa horjoogayaasha ugu sareeya ee nabadiidka Al-shabaab u qaabilsan dhanka Jubboyinka.

Taliyaha ururka 58Aad ee guutada  11Aad ee ciidanka Xoogga dalka G/Dhaxe Cabdi ibraahim Cali ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay  in Howlgalka lagu dilay horjoogahaani uu ka dhacay Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka ayaa nolosha ku qabatay labo dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay dagaalkii buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.

Buundada Araare  ayaa 7km u jirta degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose,waxayna ciidamada Xoogga dalka ay sidoo kale u ruqaansadeen degmada Jamaame oo xarun u ah nabadiidka Al-shabaab.

Maleeshiyada ALshababa ayaa soo wajahday cabsi iyo walwal xoogan,kuwaasi oo haatan qarka u saran in ay gebi ahaanba burburaan,kadib markii cadaadis xoogan ay kala kulmeen militariga Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya.

Xigasho SONNA