Uncategorized

Saraakiisha Dowlada iyo Galmudug oo ka shiray Amaanka deegaanada Galmudug.

Cadaado-KNN-Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa lagu qabtay kulan looga hadlaayay sidii loo xaqiijin lahaa Ammaanka degaanada maamulka Galmudug.

Kulankaan ayaa dhexmaray Saraakiisha Ciidamada dowladda ee qeybta 21-aad iyo sidoo kale xubno ka tirsan laamaha Amniga Galmudug.

Waxaa sidoo kale kulankaasi ka qeyb galay xubno ka socday Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka markii uu dhamaaday ayaa laga soo saaray qodobo wax looga qabanayo Xaalada Amni ee Galmudug.

Waxyaabaha laga dooday waxaa ka mid ah Isbaarooyinka iyo sidii loo gaari lahaa goobaha ay maamulaan Al-Shabaab iyo dagaal beeleedka Galmudug meelo ka mid ah ka socda.