Uncategorized

Saraakiisha Jubbaland oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Qooqaani.

Qooqaani-KNN-Xasan Aadan Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee gobalka Jubada Hoose oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal ka dhacay deegaanka Qooqaani ee degmada Afmadow ee gobalka Jubada Hoose.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inuusan Jirin khasaare soo gaaray Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ku sugnaa goobihii la wareeray waxaana aagaasi wali ku sugan Ciidamada Dowladda.

Xasan Aadan ayaa KNN u sgeegay in ay Shabaab ka dileen ugu yaraan 5 Askari tiro kalane ay ka dhawaaceen, halka ay shabaab Dhankooda sheegtayn inay dileen Ciidamo ka tirsan Dowladda deegaankana ay qabsadeen.