Kismayo-KNN-Dagaal culus oo socday muddo saacado ah ayaa maanta waxa uu ka dhacay tuulada wirkooy ee gobolka Jubada Hoose kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen fariinsin ay ciidamada xooga halkaasi ku lahaayeen.
Xasan aadan maxamed oo ah taliyaha ciidamada jubbaland ee deegaanka Buula gaduud oo uu hoos yimaado tuulada dagaalka uu ka dhacay ee Wirkooy ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus balse ay ciidamadu is difaaceen islamarkaana ku dileen dagaalamayaal shabaab ah.
“Ciidanka xooga waa is difaaceen waxaana shabaabka gaarsiinay jab weyn inaga ayaanajoogna leeihi aan ku sugneyn ee fariisinka noo ahaa” ayuu yiri Taliyaha.
inti dagalka uu socday ayaa sidoo kale waxaa jira qasaaro soo gaaray dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Buulogaduud.
Dagaalka oo socday muddo dhowr saacadood ah ayaa waxaa ku barakacay dad badan oo gaaray magaalada kismaayo ee xarunta jubada hoose.