Somali News

Saraakiisha Militariga oo sheegay in ay awood ku soo furan doonaan caruur ay afduubteen Al-Shabaab

Muqdisho-KNN-Saraakiisha ciidamada Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegeen inay si awood ah ku soo furan doonaan caruur ay sheegeen in Al-shabaab ay ka afduubteen degaano hoos yimaada gobolka bakool kuwaas oo tiradoodu ay kor u dhaafayso ilaa 70 caruur 

Amaan duulaha guutadda Sagaalaad ee gobolka Bakool cabdullaahi Maxammud Ugaas Cali oo la hadlay KNN  ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaabka caruura haysta ay waalidiinta caruurta shalay ay ka dalbadeen lacago madax furasho ah, balse aysan ogolaan doonin oo ay si awood ah uga soo furan doonaan.


Sidoo kale waxaa uu sheegay in Amaanduulaha in saakay ciidamada xoogga ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaano hor leh oo ka tirsan gobalka Bakool.

Al-Shabaab ayaa waxaa looga bartay in ay afduub u geystaan Caruurta soomaaliyeed ee ku nool qaar ka mid ah Gobalada dalka, taasi oo dhibaato badan ku ah waalidiinta dhalay caruurtaasi.