Boosaaso-KNN-Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa xilligan waxaa ay ka digayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish ay gudaha u galeen Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.
Arintan ka dambeysay kadib markii ay kordheen duqeymaha ay diyaaradaha mareykanka ka fuliyaan buuraha Gobalka Bari oo xiligan ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.
Saraakiisha ayaa sheegaya in Al-Shabaab iyo Daacish ay suur tagal tahay in ay gudaha u galaab xaafadaha magaalada Boosaaso, maadaama ay la’yihiin meel ay ku dhuuntaan, taasina waxaa ay ku tilmaamen in ay tahay cabsi soo wajahday.
Shacabka ayaa waxaa laga dalbaday in ay la shaqeeeyaan ciidamada booliska, islamarkaana ay ka hortagaan falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Boosaaso.
Al-Shabaab iyo Daacish ayaa Xilligan waxaa ay ku xoogan yihiin Buuraha gobalka Bari