Uncategorized

Saraakiisha Sare Ee Ciidanaka xooga Dalka Oo Wada Qorshe Lagu Howlgalinayo Ciidanka Isku Dhafka ah Ee Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN=Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Waxaa Taliska Iyo Saraakisha ee Ciidanka Xooga dalka ay Ka wadaan Dedaaladii Ugu danbeeyay Ee Lagu Howlgalinayo Ciidanka Xooga Kuwa Isku Dhafka ah ee Dhawaan Halkaasi lagu Aruuriyay Si Ay uga Qeybqaataan Nabadeynta Magalada..

Taliyaha Saadka Ee Ciidanka Militariga Somalia Sareeye Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen Garabey ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasoo uu ku sugnaa taliyaha Ciidanka Xooga Sareeye  Gaas Cabdiweli Xuseen Jaamac Gorod iyo wafdi uu hogaaminayo.

Taliyaha CXDS ayaa u jooga gmagaalada Gaalkacyo hirgelinta heshiiskii nabaydaynta guud ahaan gobolka Mudug iyo gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo meel aad u fiican maraya hadda.

Safarka Taliyaha Saadka ayaa la Tilmamaay inuu la xiriiro sidii uu u fariisan lahaa qorshihii Ciidanka isku dhafka ee loo xilsaaray nabadaynta gobolka Mudug.

Gaalkacyo aya kmaid ah Magaalooyinka Uu Safarka Ku Soo maray Madaxweynaha Somalia waxaana Ciidanka La Diyaarianyo ay yihiin kuwo Loo xilsaaray Ilalinta Nabada Magalada gaalkacyo oo Dagalo ku soo laab laabteen.