Somali News

Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kulmay

Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Taliyaha ciidanka xooga Dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa kulamo laqaatay saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Talyaaniga.

Saraakiisha ciidan ee labada dal ayaa kulan ay yeesheen waxeey uga hadleen hor marinta ciidamada gaar ahaan kuwa Soomaaliya, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ey Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka

Indhaqarshe ayaa madaxda Ciidamada Talyaaniga si gaar ah wuxuu kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga eedhinaca ciidanka.