Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Militiriga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay maanta howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka sameeyeen degaanka Araare ee gobalkaasi.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan gobalka Jubada hoose ayaa sheegay in Degaano hor leh oo ka tirsan gobalka Jubada hoose ay kala wareegeen Al-Shabaab, islamarkaana weli ay howlgalada ka wadaan deegaano iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobalka Jubada hoose.
Waxaa maanta Dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemaya duleedka magaalada Kismaayo gaar ahaan degaanka Baar-sanguuni iyo degaanka la yiraahdo Araare oo dhamaantooda kawada tirsan gobalka Jubada hoose.
Dadka degaanka Araare ayaa cabsi badan ka qabo in dagaal uu ka qarxo degaankaasi, kaasi oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Ciidamada Xoogga dalka.
Muqtaar Cabdi Maxamed oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga ee gobalka Jubada hoose oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa Sheegay in ciidamada Xooga iyo kuwa Jubaland ay ku sii fidayaan degaano hor leh oo ay horey Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.
Howlgal ay maanta ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobalka Jubada hoose ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay uu dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab uu ka dhacay degaanka Baar sanguuni ee gobalka Jubada Hoose,iyadoona dagaalkaasi uu khasaari badan ka dhashay,inkastoo dhinacyadii dagaalamay ay guulo ka kala sheegteen.