Somali News

Sarakiisha Ciidanka Xoogga ee Hiiraan oo shacabka ka dalbaday in ay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Beledweyne-KNN-Taliyihii hore ee qeybta 27 ee ciidanka xoogga Maxamud Maxamed Macalin koronto  oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay howlgalada ay ciidamada xoogga ay ka wadaan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in hadii aysan dadka isku fiyoobeen aysan la dagaalami Karin Al-Shabaab, isagoona Tilmaamay in beelihii joogay duleedka Beledweyne xilligan ay ku biireen ciidamada Xoogga, islamarkaana dhawaan ay dagaal la gali doonaan Al-Shabaab.

Sidoo kale Shacabka ayaa waxaa uu ugu baaqay in ay u midoobaan dagaalan ka dhan ah Al-Shabaab.

Halkan Ka dhageyso