Uncategorized

DHAGEYSO:-Sargaal ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay Koofur-galbeed

Muqdisho-KNN-Sargaal sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay maamulka Koofur-galbeed, kaas oo hadda lagu haayo xarunta dhaqan celinta ee maamulka Koofur-galbeed ee ku taala magaalada Baydhabo.

Sargaalkaan ayaa waxaa la socday laba kale oo ahaa ilaa ladiisa, wuxuuna u qaabilsanay Al-shabaab dhanka jugta culus ama ridida hubka waaweyn sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee maamulka Koofur-galbeed.

Wariyaha Idaacda Kulmiye ee ugu soo warama deegaanada maamulka Koofur-galbeed Axmed Saadaq ayaa goor dhow ka warbixiyay arintaani.

Halkan ka dhageyso.