Muqdisho–KNN–Sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo lagu Magacaabo Cali Maxamed Jubad oo wata Ilaalo ayaa Goor dhow lagu Weeraray Guri uu ka dagan tahay Magaalada Muqdisho gaar ahaan dhabarka dambe ee Xarunta Ha’yadda Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Ee Godka Jilicow oo ku taalla Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Col. Cali Maxamed Jubad oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ay soo Weerareen Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid islamarkaana Weerarkaas looga dilay hal Askari mid kalena looga dhaawacay sida uu sheegtay Col. Jubad.
Sargaalkaan ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa 29-kii October waxaa gurigiisa lagu qabtay Saddex ka mida Dagaalameyaashii Al-shabaab ee Weerarka ku qaaday Hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegay Col. Jubad in Weerarka lagu soo qaaday Maanta uu Arrintaas la Xariiro.
“Waxaa Ciidamada Ammaanka lagu amray in la isoo qabto,waxaan ahaa Ninkii Al-shabaabkii Weeraray Hotel Naasa-hablood2 qabtay ee Hubka ka dhigay,Ujeedka ma garanayo meeshii Dowladdu iga abaalmarin laheyd ayey Weerar igu soo qaaday”ayuu yiri.
Hay’adaha Ammaanka weli wax war ah kama soo saarin Weerarka lagu qaaday sargaalka ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka.