Uncategorized

Sargaal Sare oo ka tirsan Al-shabaab oo iska dhiibay Gobolka Gedo

Garbahaarey–KNN–Sargaal Sare oo ka tirsan Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa Maanta isku dhiibay Ciidamada Dowladda Ee Gobolka Gedo.

Sargaalkaan iska dhiibay Gobolka Gedo ayaa Magaciisa lagu sheegay Maxamed Yuusuf Dheel,waxaana uu Maanta iska dhiibay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo ku sugan Magaalada Garbahaarey Ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Maxamed Yuusuf Dheel oo ah Sargaal sare oo ka tirsan Shabaab uu Ciidamada Milatariga isku soo dhiibay.

Dhowr Jeer ayaa Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee ka howlgala Gobolka Gedo.