Marka-KNN-Saraakiisha Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhiggeen sarkaal ka tirsan Dagaalamayaasha Al Shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen degmada Marka ee Gobalka Shabeelaha hoose.
Qofkan la qabtay ayaa saraakiisha ciidamada Xooga waxaa ay ku sheegeen in Al-shabaab uu u qaabilsanaa Qaraxyada.
G/dhexe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) Taliyaha guutada 14 Oktobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in Sargaalkan Shabaabka ah laga soo qabtay buundada Magaalada Marko xilli uu ku Aasayay Miino.
Sidoo kale taliyaha ayaa Sargaalka waxaa uu ku sheegay magacaiisa Saleemaan Cumar Cabdulle.
Maalmihii ugu danbeeyay ciidamada Xaooagga ayaa ku howlanaa baadigoobka shaqsiyaad la tuhusan yahay in ay falal amaan darro ka geystaan Magaalada Marka