Uncategorized

Sarkaal iyo Qaar ka mid ah Ciidankiisa oo ku dhintay Qarax ka dhacay Walla-weyn.

Walla-weyn-KNN-Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta lagu qarxiyay deegaan magaalada Muqdisho kaga beegan 80 Km sidoo kale qiyaastii 10 Km oo dhinaca Muqdisho ah kaga beegan degmada Walla-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha amaanka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Gaariga ay saarneeyeen 13 Askari iyo Taliyahooda,waxaana ku dhintay 9 Askari iyo Sarkaalkii la socday.

Qaraxa ayaa ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu aaso waxaana Gaariga la qarxiyay oo ka soo baxay degmada Walla-weyn uu ku soo jeeday magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiinta Gobalka.

Degmada Walla-weyn ayaa shalay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 14 qof.

Qaraxaan ayaa ka dhigan in 24 Saac Gudahood ay degmada Walla-weyn ku dhinteen 24 qof oo isugu jira Ciidan iyo Shacab.