Ceel-Afweyne-KNN-Dagaal culus ayaa ka dhacay agagaarka Saldhigga Degmada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkaan ayaa dhaxmaray Ciidamo ka tirsan Soomaaliland iyo Sarkaal dhawaan ka goostay Soomaaliland oo galay keymaha gobalka Sanaag.
Goob joogayaal ayaa soo sheegaya in kooxdii weerarka qaaday ay qabsadeen Saldhigga ayna dhaawaceen Taliye ku xigeenkii Saldhigga Ceel-afweyn, sidoo kale Ciidamadii weeraray degmadaasi ayaa xabsiga ka sii daayay tiro dad ah oo ku xernaa Xabsiga degmada Ceel-Afweyn ee Gobalka Sanaag.
Sarkaalkaan weerarka qaaday ayaa lagu magacaabaa Korneel Caarre waxa uuna dhawaan ka baxay Soomaaliland isaga iyo Ciidamo uu hogaamin jiray, sababta uu Ciidanka ula goostay ayuu Caarre ku sheegay cadaalad darro uu ka tirsanayo Xukuumadda Soomaaliland.
Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa la sheegay in khilaaf culus uu kala dhaxeeyo taliyaha Ciidamada Soomaaliland ayna sababta ugu weyn ee soo dadajisay ka bixitaanka Soomaaliland ay tahay khilaafkaasi.
Korneel Caarre ayaa u muuqda Jabhad cusub oo ka aas aasantay Soomaaliland waxaase laga baqayaa in dhibaato ay soo food saarto gobalka Sanaag.


