Somali News

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib

Muqdisho-KNN-Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen xarumo muhiim ah Al-Shabaab ay ku leeyihiin  Degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay sargaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab iyo ilaaladiisa.

Sargaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegey  Maxamed Nuur, waxaana la tilmaamay in sargaalkan uu ahaa Hogaamiyaha guud ee amniga Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland.

Goobaha la duqeeyey ayaa la sheegey in ay ka mid yihiin suuqa degmada Jilib, waxaana lagu soo waramayaa  in ay jiraan burbur guryo ah,  inkastoo aan la sheegin in weerarkaasi ay dad shacab ah wax ku noqdeen.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntii xalay ka dhacay degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan Saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin Degmooyinka Ka tirsan gobalka jubbada Dhexe.