Somali News

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo maanta duqeymo ka fuliyay saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin inta u dhexeysa gobolada Baay iyo Gedo.

Duqeynta ayaa waxaa lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Cusmaan Yarow oo Al-shabaab ay u yaqaanaan Cabduqaadir Kumaandoos.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeynta ay si gaar ah kaga dhacday Tuulada Cadaad Gari ee deegaanka Xabiibiyaal oo ah inta u dhaxeysa degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere ee koofurta Soomaaliya.

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka ayaa sidoo kale baahisay in sarkaalka la dilay uu mar aha Madixii Jabhadaha Alshabaab.