Somali News

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu soo qabtay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ayaa Howlgal qorshaysan waxaa ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho 21-kii Bishan, waxayna gacanta Ku soo dhigeen xubin ka tirsan Al-shabaab.

Sarkaalka la soo qabtay ayaa ahaa xubin ka tirsan Amniyaatka Alshabaab, waxuuna Al-shabaab u qaabilsanaa Khaarijnta.

Wakaalada wararka ee SONNA ayaa daabacday in sarkaalkan ka tirsan Al-shabaab uu ka danbeeyay abaabulka iyo hugaaminta Dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho.

Waa hawlgalkii sadexaad oo todobaadkaan gudihiisa lagu soo qabto xubno ka tirsan Al-shabaab.