Somali News

Sarkaal ka tirsan Booliska Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay  xalay Waqooyiga Magaaladaasi  ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada booliska Puntland gaar ahaan qeybta hay’adda dambi baarista.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Maxamed Samatar, waxaana la sheegay in dilka sarkaalka ay ka dambeeyeen Saddex Rag ah oo watay Mooto Bajaaj xilli uu kusii jeeday Hooygiisa, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland  Korneyl Muumin Cabdi Shire oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da  ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah raggoo dilka u geystay Sarkaalka.

Sidoo kale Taliyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay  in Ciidamada ammaanka  ay wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa rag kale oo la socday kooxda dilka u geysatay sarkaalka, isagoona si kulul u eedeeyay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxaa ay weeraro iyo dilal qorsheysan ay ka fuliyaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.