Mudisho-KNN-Dabley Bastoolado ku hubeysan ayaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Minishiibyada Soomaaliya ku toogatay Xaafadda Suuq Bacaad degmada ee Goblka Banaadir.
Afayeenka Maamulka gobalka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay dilka Sarkaalkaasi waxa uuna sheegay in ay baaritaano wadaan oo arintaan ku saabsan.
Marxuumka ayaa xilliga la dilaayay ku hawlanaa qaadista canshuuro uu ka aruurinaayay ganacsatada ku sugan Bosteejada Suuq Bacaad ee gobalka Banaadir.
Kooxihii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta ay ka geysteen dilka , waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.