Somali News

Sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga oo saakay lagu dilay Beledweyne

Muqdisho-KNN- Koox  hubeysan ayaa saakay waxaa ay sarkaal ka tirsan militariga Soomaaliya ku dileen Gudaha Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Beledweyne.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Mahad, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Kooxda dilka fulisay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, iyadoona halkaasi ay gaareen ciidamada amaanka, waxaa ayna baaritaano ka sameeyeen goobta uu dilka ka dhacay.

Magaalada Beledweyne ayaa inta abdan waxaa ka dhaca dilalka qorsheysan oo loo geysto dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.