Beled-xaawo-KNN-Koox hubeysan ayaa maanta waxaa ay Degmada Beledxaawo ku dileen sarkaal ka tirsanaa Nabadsugida Soomaaliya.
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray C/qani Axmed Faarax oo kana mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Nabad Suggida ee ka hawlgala Degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo.
Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, iyadoona goobta dilka ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida ee degmadaasi.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo.
Al-Shabaab ayaa Cadaadis xoog leh saaray degmada Beledxaawo tan iyo markii maamulka degmada uu amar dul dhigay xaasaska Al-Shabaab ee ku noolaa degmadaasi, taasi oo keentay in Al-Shabaab ay weeraro ka geystaan degmadaasi.


