Uncategorized

Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Jalalaqsi oo la weeraray.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Degmada Jalalaqsi ee gobalka hiiraan ayaa sheegaya in Sargaal ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka arimiya Degmadaasi ay weerar ku qadeen kooxo hubeysan ka tirsan dagaalamaayasha Al-Shabaab,iyadoona la sheegay in weerarka uu ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi.

Weerarka ayaa lagu qaaday hoyga uu degan yahay Madaxda Canshuuraad ee Maamulka Degmada jalalaqsi ee gobalka Hiiraan,inkastoo iska horimaad xoogan durbadiiba uu halkaasi ku dhexmaray kooxihii weerarka ku soo qaaday hoyga Sarkaalkaasi.

Inta ogyahay 1 askari oo ilaalo u ahaa Madaxda Canshuuraadka ee Degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan,Halkaasi lagu dilay,islamarkaana uu jiro Dhaawac ka dhashay Iska horimaadkaasi.

Dadka Degaanka oo la hadlay KNN ayaa Sheegay in ay Maqlayeen iska horimaad u dhexeeya Ilaalada Madaxa Canshuuraadka ee Degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Dhanka kale Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Waxaa baahiyeen in weerarkaasi ay ku qaadeen Madaxa Canshuuraadka ee degmada Jalalaqsi ee gobalka hiiraan,Balse ma Sheegin Magaca Sarkaalka ay weerarka ku qaadeen.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay kordiyeen Weerarada Tooska ah ay ku qaadaan Ciidamada Xoogga Dalka,iyo kuwa Maamul gobaleedyada,Xili Maalmihii Dambe ay Howlgalo culus ay ka socdeen qeybo ka mid gobalada Dalka.