Somali News

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay dalka Yemen

Xubin ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Taiz ee koonfurta Yemen, sida ay sheegeen WFP iyo wasiirka caafimaadka Yemen.

Dabley aan heybtooda la garaneyn oo wadatay mooto ayaa toogasho ku dilay shaqaalaha Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP xilli uu ka qadeynayay maqaayad ku taalla magaalada Turbax ee ku taal Koonfur-galbeed ee Yemen, gobolka Taiz, sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen wakaaladda wararka ee DPA.

Wasiirka caafimaadka Qasem Buhaibeh ayaa  tacsi uu u diray qoyska shaqaalaha, isagoo ugu baaqay ciidamada ammaanka inay “soo qabtaan dambiilayaasha” mas’uuliyadda dilka.