Somali News

Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay Sirdoonka Koofur Galbeed

Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay mid kamid ah Sarkaal ka tirsan Al-shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay Ciidamada Ammaanka.

Saraakiisha NISA ayaa ninkaan magaciisa ku sheegay Ciise Cumar Deerow Isxaaq, kaasi oo Al-shabaab u qaabilsanaa Howlgalada Jabhadaha iasagoona  muddo 8-sano uu ka tirsanaa,

Sarkaalkan ayaa waxaa uu ka howlgali jiray Gobolada Jubooyinka iyo Baay, Waxaana sidoo kale Hay’adda Nabadsugida ay soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Al-shabaab oo kala ah kamid yihiin 2-qori oo AK47 & 1-beekam ah.