Somali News

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda soomaaliya Muqdisho

KNN-Yaroow Xasan Aaden, oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab ayaa Maanta isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.

Sarkaalka isasa soo dhiibay ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii Al-Shabaab, islamarkaana waxaa uu codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.

Yaroow Xasan Aaden, oo loogu yeeri jiray (Seyfu-Laah), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay dhibaato uu sheegay in Al-Shabaab ay u geysanayaan dadka shacabka ah, taasina uu aad u dhibsaday, waaa sida uu hadalka u dhigay.

Seyfu-Laah, ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay Gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya,wuxuuna Al-Shabaab u qaabbilsanaa isku xirka Ciidanka iyo hor-joogayaasha