Somali News

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay Dowladda.

Muqdisho-KNN-Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo Bandhigeen horjooge,Xuseen Xasan Cambeer, oo horay ugu tirsanaa Al-shabaab.

Sidoo kale sarkaalka isa soo dhiibay ayaa AAl-Shabaab u qaabbilsanaa abaabulka waxa ay Shabaab ugu yeeraan kooxda jugta culus.

Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq ,ayaa sheegay in Ninkani uu ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab ah, isla Markaana ka dagaalami jiray Gobolka Shabeellada hoose.

Korneyl; Ismaaciil sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in isa soo dhiibista sarkaalkan Xuseen Xasan Cambeer, ay timid kadib markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Al-Shabaab, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.