Uncategorized

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Milatariga Soomaaliya oo caawa lagu dilay degmada Dharkenley.

Muqdisho-KNN-Degmada dharkeyleyn gaar ahaan xaafada Macalin nuur ayaa waxaa caawa ay kooxo hubeysan dil ugu geysteen Sarkaal ka tirsan ciidanka Xooga Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa idaacada kulmiye u sheegay in ninka la dilay uu ahaa sarkaal ka tirsan Militariga Soomaaliya laguna dilay xarun ganacsi uu ku taala xaafadda macalin Nuur ee degmada Dharkenley.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday ragi  geystay oo watay bistoolad waxaana la tilmaamay in intaasi kadib ay ciidamada amaanka goobta tageen.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada dharkeynley si aan wax uga weydiino waa inoo suurto geli weysay in aan helno.