Somali News

Sarkaal ka tirsanaa Militariga Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa saakay Sarkaal ka tirsanaa Militariga Soomaaliya waxaa ay ku dileen meel u dhow saldhiga degmada Waabari gaar ahaan Xaafadda Horseed ee Degmadaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Gaashaanlle dhexe Cabdi Maxamed Culosow (Cabdi Madoobe).

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxasadeen.

Ciidamada amaanka ayaa tagay goobta uu dilka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameynaya.

Inta badan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilalka qorsheysan oo loo geysto askarta ka tirsan dowlada Federaalka Soomaliya iyo Dadka Shacabka ah.