Somali News

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka Xoogga

Muqtaar Maxamed Isxaaq (Rabaani ) oo ahaa Horjoogihii Jabhada ee Gobalka Bokool ayaa saaka isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay deegaanka Goof Gaduud Buurey Halkaasi oo fariisin u ahaa Ururka 46-aad Ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXDS.

Waxa uu tababar kusoo qaatey deegaanka Kuntu-waarey ee gobalka Shabeelaha Hoose, sidoo kale Wuxuu ka tirsanaa Jabhadaha waxa uuna ku jirey muddo 3-sano ah.

Intii uu ku jirey Al-shabaab Muqtaar ayaa sheegey in uu ka qayb qaatay dagaalo badan, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay iska cafiyaan.